Qarax Miino ayaa abaarihii 07:12-daqiiqo waxa uu ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaliya.
Qaraxaan oo ahaa nooca laga hago meelaha fog-fog ayaa waxaa lala eegtay Kolonyo ka tirsan Ciidamadda Midowga Afrika AMISOM oo marayay agagaarka Wasaaradda Gaashaandhiga Degmadda Deyniile ee Magaaladda Muqdisho.
Sida uu inoo xaqiijiyay mas’uul ka tirsan Maamulka Degmadda Deyniile qaraxa waxaa ku dhintay hal askari oo Soomali ah kaas oo marayay agagaaarka wasaaradda Gaashaandhiga.
Ma jirto cid ila ila haatan sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

