Al-shabaab ayaa Xukun gacan goyn ahaa kula fuliyay fagaare kuyaal deegaanka Kuunya Barrow ee gobolka Shabeelaha Hoose ruux fal xatooya ah ku kacay.
Maxkamadda Al-shabaab ee deegaanka Kuun Barroow ayaa la hor geeyay Nin lagu eedeeyay in uu hanti kumanaan kun dollar ah ka dhacay guryo kuyaal deegaanka.
Qaadiga Maxkamadda Islaamiga ayaa goobti fagaarihii uu xukunku ka dhacayay ka akhriyay dambiga lagu helay Cabdi Fataax Cusmaan Axmed oo 19 sana jir ah.
Ninka Tuuganimada lagu helay ayaa qirtay in uu dhacay hanti isugu jirta lacag Kumanaan Dollar ah, dhar, Moobillo, Kumbiyuuterro iyo hanti kale.
Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in uu jabsaday illaa 5 guri oo uu ka xaday hanti gaaraysa 5,000 Dollar (Shan Kun oo dollar.
Al-shabaab ayaa horey u fuliyay xukuno dilal iyo gacan goyn ahaa, kuwaasi oo lagu fuliyay rag lagu eedeeyay In ay wax xadeen ama ay la shaqeeyeen DowladdaFederaalka Soomaliya iyo Dowladaha Shisheeye.

