Faah-faahin:-Duqeyn Ka Dhacday Gobolka Shabeelaha Hoose+Sawirro

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn diyaarado dagaal ay ka fuliyeen deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeelaha hoose oo ay saldhig ku leeyihiin dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.

Xalay Saqdii dhexe ayay diyaarad Drone ah waxay gantaal ku dhufatay gaari Homey oo ay saarnaayeen khudaar sida ay muujiyan sawirro lasoo bandhigay.

Mid kamid ah dadka deegaanka Mubaarak oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in duqeynta gaariga homey-da lala eegtay xili saacado ka hor la raray islamarkaana ay ka hoydeen darawalkii iyo Kirishbooyg-kii la socday.

Boqolaal qof oo shacab ah ayaa saaka gaaray goobta lagu burburiyay gaariga khudaarta siday.

Waa markii 2-aad oo bishaan gudaheeda ay diyaarado dagaal ay  duqeymo ka geystaan Shabeelaha Hoose, maalmo ka hor ayay dad shacab ah ku dileen duleedka deegaanka Farsooleey.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here