Waxaa saakay gabi ahaanba xiran wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye kadib wadayaasha gaadiidleyda halkaa ku socdaali jiray oo joojiyay maanta shaqooyinkoodii.
Wadayaashaasi ayaa ku macneeyay shaqa joojintooda maanta iney sabab u tahay isbaarooyin fara badan oo yaala wadada isku xiriirisa degmooyinka Muqdisho iyo Afgooye.
Dhanka kale wadayaasha gaadiidka ayaa wada banaan baxyo ka dhan ah Isbaarooyin cusub oo gaadiidka lacago looga qaado taasina maanta ay keentay iney dhigaan banaan-baxyo.
Qaar kamid ah wadayaasha Gadiidka oo la hadlay idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney qaati ka taagan yihiin isbaarooyin cusub oo lasoo dhigay agagaarka deegaanka lafoole ee gobalka shabeelaha hoose kuwaa oo lacago fara badan looga qaado gadiidka ku socdaala.

