Wafdi balaaran uu hogaaminayay madaxweynaha Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif xasan Sheekh aadan ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo waxaana garoonka diyaaradaha magalada Baydhabo Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay Mas’uulyiin kala duwan oo ay ku Jiraan Gudoomiyaha Baarlamaanka Iyo Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiisha Ciidamada.
Madaxweynaha Koonfur galbeed Soomaliya Mudane Shariif xasan Sheekh aadan ayaa sheegay in uu Magaaladda muqdisho kaga qeyb galay shirkii loogu hadlayay amniga,islamarkaana guul uu kulankaas kusoo dhamaaday.
Sidoo kale waxaa uu Madaxweynaha uu soo hadal qaaday ciyaaraha maamul Goboleedyada kaasi oo ka socda Magalada Muqdisho ayadoo ciyaartoyda Koonfur Galbeed ay shaley 1 Gool Kaga badiyeen ciyaartoyda Hiirshabeelle .
Gaarista madaxweynaha Dowladda koonfur galbeed Mudane Shariif xasan Sheekh aadan ayaa waxa ay Ku soo aadeysaa Xili deeganada Koonfur galbeed ay ka socdaan Howlgalo lagula dagaalamayo dagaalyahanadda Al Shabab.







