Sida Idaacada Simba ay u Xaqiijiyeen ilo goobjoog ah Xaafadda Jaamacadaha Degmada Hodan ayaa Kooxo hubeysan waxaa caawa ay ku Toogteen Haweeney ka tirsaneyd Ciidanka Booliska Soomaaliyeed taasi oo lagu Magacaabi jiray Ridwaan Salaad.
Dableyda Ridwaan Dishay ayaa la sheegay in ay Hoygeeda ugu galeen isla markaana ay Dhowr Xabad uga dhufteen Qeybaha Sare ee jirkeeda sida ay Simba u Sheegeen dad ku sugaan Goobta Xiligii uu Falku dhacayey.
Wararku waxa ay intaa raacinayaan in Kooxdii dilka geysatay ay isla Goobta ka baxsadeen, waxaana Halkaa gaaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo baaritaano Dilka la xiriira ka bilaabay.

