Al-shabaab oo Weerar Ku Qaaday Saldhiga Ciidamadda Puntland ee Af Urur

0

Dagaalyahano ka tirsan Xarakadda Al-shabaab ayaa weerar qorshaysan waxa ay ku qaadeen saldhig Ciidamada maamulka Puntland ay ku lahaayeen deegaanka Af Urur ee duleedka magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaana jira khasaaro soo kala gaaray Al-shabaab iyo Ciidamadda maamulka Puntland ee ku sugnaa saldhiga deegaankaas.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamulka puntland oo loogu hadlaayo dagaalka ka dhacay deegaanka Af Urur ee duleedka magaalada Boosaaso.

Al-shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka geystaan deeganadda Maamulka Puntland  xilli labo maalin ka hor qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug lagu dilay Cali Magafe oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa maamulka Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here