Diyaaradaha Dowladda Mareykanka ayaa shacab Soomaliyeed ku laayay deegaanka iimeey oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta dalka Soomaliya.
Deegaankaas waxaa maanta lagu aasay ilaa 5-qof oo kamid ahaa dadka deegaanka kadib markii ay ku dhinteen Duqeyn dhacday 6-dii bishaan.
Diyaaradaha Mareykanka ayaa duqeeyay deegaanka iyagoo sheegay in la bartilmaameedsaday gaari dagaal oo ay lahaayeen Xarakadda Al-shabaab oo halkaas maamula.
Gudoomiyaha Gobolka Shabelaha Hoose ee Dowladda Soomaliya Ali Nuur ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in diyaaradaha ay duqeeyeen gaari ay la socdeen Al-shabaab, balse uusan sheegi karin khasaaraha ka dhashay.
Mohamed Abu Usama oo ah Gudoomiyaha Gobolka Shabelaha Hoose ee Al-shabaab ayaa beeniyay in diyaaradaha ay duqeeyeen gaari ay lahaayeen Al-shabaab,taasi badalkeeda ayuu sheegay Abu Usama in la waxyeeleeyay dad shacab ahaa oo xoolo dhaqato u badnaa.
Halkaan Hoose ka Akhriso Magacyadda dadka la laayay iyo kuwa dhaawacmay.
Waxaa duqeyntii ka dhacday deegaanka ilimeey ku dhintay dad shacab ah waxayna kala ahaayeen 1.Macalin Cabdow Fiilow Muudeey 45jir
2.Aamino Macalin Cabdow Fiilow 17jir
3.Cusmaan xuseen cabdi (osman jiis )43jir
4.Yuuqaney Cusmaan xuseen oo 5jir ah
5.Maxamed cabdi caliyow garboole 38jir
Waxaana halkaas ku dhaawacmay
1.safiyo Cusmaan xuseen oo 1sano iyo bar jir ah ayado aabahed iyo walaasheed ka weyn
2-Maxamed Nuur Xuseen Cabdi oo 23-jir ah asigana dhaawaciisa waxa uu yaalaa isbitaal madiino ee magaalada muqdisho .






