Shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha xukuumadda Puntland oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa lagu ansixiyay odoroska miisaaniyadda ee sanadda 2018ka.
Ku talagalka odoroska miisaaniyadda 2018ka oo ay soo gudbisay wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa lagu sheegay 92 Milyan oo dollar, waxaana aad uga yartahay miisaaniyada sanadkan 2017ka
“Gollaha xukuumadda Puntland ayaa cadeeyay in miisaaniyadda Puntland ee sanadda 2018 ay dhan tahay 92, 713364 Milyan oo dollar.Miisaaniyadda ayaa laga saaray sanadkan lacago lafa filayey in laga helo Hay’adaha UN”.
“ gollaha wasiiradda Puntland ayaa u gudbiyey golaha wakiilada Puntland ansixinta Misaaniyadda Puntland ee sanada 2018, si loo dhaqangeliyo loona ansixiyo miisaaniyadda sanadka 2018ka ee dalka”
Miisaaniyadda Sanadkan 2017ka ayaa ahayd 160 milyan oo dollar, waxaana ku jiray ku talagal dhaqaale oo ka imaan lahaa Bangiga adduunka iyo hay’adaha Qaramada midoobay. Dhaqaalahaasi laguma darin miisaaniyadda Sanadka dambe ee Puntland.
Odoroska Miisaaniyadda 2018ka oo ay soo diyaarisay wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa la horgayn doonaa gollaha barlamaanka Puntland.

