Mareykanka oo Kordhiyay Faro Galintiisa Milatari ee Gudaha Soomaaliya

0

War kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqyada dagaalyahanadda  shisheeye ee katirsan kooxda Daacish, kuwaas oo doonaya inay gabbaaad ka helaan qaarada bariga Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

Warbixin kasoo baxday wasaaradda gaashaandhiga Dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu sii kordhiyay faro galintiisa milatari ee gudaha Soomaaliya, si uu uga hortago mintidiinta kasoo baxsanaya Syria iyo Iraq inay farriisin ka dhigtaan Soomaaliya oo ah waddan aad ugu nugul argigixisada.

Tan iyo bishii May ee Sanadkaan Ciidanka Maraykanka ee lugta ayaa tiradoodu kor ukacday kadib markii maamulka madaxweyne Trump uu bishii March oggolaaday in ciidanka Maraykanka ee ku sugan Soomaaliya ay si toos ah dagaal ugu qaadi karaaan Alshaabab iyo Daacish.

Sidoo kale Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay inay qaaday 28 weerar oo ka dhan ah dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ee Soomaliya ka dagaalama 15 kamid ah weeraradaan ayay sheegtay in la fuliyay saddexdii bilood ee ugu dambeysay, waxaana lagu dilay ugu yaraan 60 dagaalamayaal ah oo ay ku jiraan ajaanib.

Saraakiisha Ameerikaanku waxay iska fogeen in Maraykanku aanu marnaba doonayn inuu Soomaaliya muddo 24-sano kadib faro gelin toos ah ku sameeyo, kadib markii 18 askari looga dilay Soomaaliya sanadkii 1993-kii.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here