Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Dalka Imaaraadka Carabta+Sawirro

0

Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa galabta gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo oo ah tii labaad ee uu ku tago Imaaraadka ayaa ku soo beegantay xilli xasaasi ah oo Imaaraadka lagu eedeynayo inuu ka danbeeyo olole ka dhan ah dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo.

Waxaa garoonka Magaaladda Abu Dhabi ku soo dhoweeyay wasiiro ka tirsan xukuumadda Imaaraadka, iyadoo la lagu wado inay caawa wadahadallo u bilowdaan madaxda dalka Imaaraadka carabta.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehliya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo La-taliyeyaal.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here