Dowladda oo Soo Bandhigtay Sawiradda Shaqsiyaadka Loo Qabtay Qaraxii Zoobe+Sawirro

0

Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa soo bandhigtay sawiradda shan qof oo loo qabtay qaraxii 14-kii bishii aynu soo dhaafnay ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaaladda muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaliya Eng C/raxman Omar Cusmaan (Yariisow) ayaa xaqiijiyay shanta qof ee Hay’adda amniga gacanta ku hayaan  ay yihiin kuwii ka dambeeyay qaraxa islamarkaana ay ka Tirsan yihiin dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.

  1. Mukhtar Mohamud Hassan (Gardhuub) –
  2. Abdiweli Ahmed Dirie (Abdiqani) oo ahaa madaxa qaraxyada Gobolka Benaadir, marka uu Gardhuub amarka ka yimaado .
  3. Hassan Aden Isaaq, oo ahaa darawalkii gaariga Noha-da, ahaana isku xirihii weerarka 14ka Oct, inta uusan wareejin Noha baa la qabtay.
  4. Ali Yusuf Wa’eys (Duale) oo ahaa shaqsigii loo diyaariyey inuu Noohada isku qarxiyo.
  5. Abdullahi Abdi Warsame Gaariga TM ka darawalka waday oo isku qarxiyey waa Maadey (Cismaan Xaaji) –

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here