Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid ayaa farrriin waanno iyo baaq isugu jirta u diray shacabka reer Somaliland ee maanta u dareeri doonna doorashadda Madaxtooyadda.
Wuxuu ugu baaqay warbaahinta deeganada Maamulka Somali-land in aanay ka hordhicin natiijadda doorashadda oo laga sugayo in ay ku dhawaaqaan komishanka doorashooyinka Somali-land.
Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid ayaa ugu baaqay hay’adaha amaanka maamulka Somali-land in ay ka shaqeeyaan amniga islamarkaana ay ka hortagaan wax walba oo qalqal galin kara amniga.

