Shacabka Somali-land oo Saakay U Dareeraya Doorasho+Sawirro

0

Dadka Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa lagu wadaa in goordhaw ay u dareeraan goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweynihii shanaad tan iyo markii uu gobolkaasi ku dhawaaqay inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale, in ka badan shan iyo labaatan sanno ka hor.

Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay rajaynayaan in codbixinta ay xoojin doonto kiiskooda ay ku baadigoobayaan aqoonsiga caalamiga ah.

Shaqo-la’aanta ayaa ka mid ah ah arrimaha muhiimka ah ee isha lagu hayo, iyadoo boqolkiiba todobaatan iyo shan dadka da’da yar aanay wax shaqo ah haysan.

Doorashadan waxaa ku tartamaya musharraxiinta kala ah Muuse Biix oo ka socda xisbiga Kulmiye, C/raxmaan Cirro oo ka socda xisbiga Wadani iyo Faysal Cali Waraabe oo isna ka socda xisbiga UCID.

Si looga hortago in doorashada lagu shubto ayaa waxaa markii ugu horreysay goobaha codbixinta lagu isticmaalayaa qalab aqoonsanaya indhaha codbixiyayaasha.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa waxa ay ku baaqeen in maalinta codbixinta la xayiro isticmaalka baraha bulshada si looga hortago in barahaasi lagu faafiyo warar been abuur ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here