Maamulka Hir-shabeelle oo Ka Hor Yimid Dagaalka Lagu Qaaday Al-shabaab-ka Degmada Balcad

0

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hor yimid dagaalka ka socda deegaano hoos yimaada degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in Dowladda Dhexe ee Soomaliya aysan kala tashanin dagaalkaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle ayaa welwel ka muujiyay qaabka dagaalka looga wado degmada Balcad iyo cawaaqib xumo uu sheegay inay ka imaan karto.

Wuxuu intaas ku daray in welwelkiisu salka ku hayo ciidamada ku sugnaa Gobolka Shabeellaha dhexe ee dagaalka la geliyay, isagoo sheegay inuu ka cabsi qabo inay dagaalka ku dhabar jabaan Ciidamada dowladda.

Lama oga sababta keentay in madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle niyad jebiyo ciidamada dagaalka ku jira oo ah kuwa dowladda Federaalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here