Akhriso:-Danjirihii Soomaliya ee Imaaraadka Carabta oo Lagu Amray Inuu Xilka Wareejiyo

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku amartay Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Imaaraadka Carabta C/qaadir Shiikhey inuu xilka wareejiyo,kaddib is bedel lagu sameeyay.

Warqadan oo ku taariikheysneyd 24-kii bishii hore ee October ayaa ka mid aheyd warqado loo kala diray Safiirada illaa 8 dal oo dhowaan la bedelay.

Danjire C/qaadir Shiikhey ayaa ka dhega adeegay inuu dalka yimaado, kaddib markii ay u yeertay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda  ayaa ku wargelisay Danjire C/qaadir Shiikhey inuu xilka ku wareejiyo Axmed Dahir Maxamed oo noqon doona Siihayaha Safiirka Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta carabta.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here