Afhayeen u hadlay Ciidamada midowga Africa AMISOM ee Soomaaliya jooga ayaa sheegay in ciidamadooda ay wax eed ah ku lahayn qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ee dagaalyahanada Xarakada Al-Shabab ay geystaan
Waxa uu sheegay in ciidamadooda ay Soomaaliya ka qabteen shaqo badan oo ay Al-shabAab ka saareen dhawr magaalo hase ahaatee sugida amaanka magaalada Muqdisho ay u xil saaran yihiin ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in sugida amniga magaaladda muqdisho lakala qeyb saday islamarkaana AMISOM loo xil saaray sugida amaanka madaxtooyadda Soomaliya iyo garoonka diyaaradaha inta kalana waa loo xil saaray Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya.
Sidoo kale wasiirka warfaafinta Soomaaliya Eng C/raxmaan Yariisow oo wax laga weydiiyay sababta ay dawlad ugu guulaysan la’dahay sugida magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in dawladu qaaday tilaabo ay ku sugayso amaanka oo ay aas aastay qiyaastii 1500 oo askari oo ku guulaystay in magaalada xasilooni ku soo celiyaan.
“Ugu yaraan shantii bilood aynu soo dhaafnay waxaa laga dhigay Magaaladda Muqdisho mid amaan ah waxaa loo sameeyay ciidamo loogu magac daray xasilinta Caasimadda, 500 oo Police ah, 500 Nabad Sugid, iyo 500 Malatari ayaa loo sameeyay magaaladaan,waxay ka hor tageen weeraro lasoo qorsheeyay, waxay badbaadiyeen nolol badan”, ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya Eng C/raxmaan Yariisow.
Eng Yariisow waxaa uu sheegay in dagaalyahanada Xarakada Al-Shabab sababta ay magaalada qaraxyada uga geysanayaan ay tahay inay dunida tusaan inay yihiin wili awood jirta.
Sidoo kale Tv-ga Al-Jaziira ayaa baahiyay in sanadkaan Magaaladda Muqdisho ay ka dhaceen qiyaastii 20 qarax kuwaasi oo sababay dhimashada 500 oo ruux iyo dhaawaca 600 oo kale qaraxyadaas badankoodna dagaalyahanada Xarakada Al-Shabab ayaa sheegtay.