Wararka ka imaanaya magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa ku waramaya in dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab in ay xalay Hoobiyayaal ku weerareen garoonka diyaaradaha magaaladas.
Dad ku sugan Magaaladda Baydhabo oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho ayaa sheegay in xalay saqdii Dhexe ilaa dhowr hoobiye ay Al-shabaab ku weerareen Garoonka diyaaradaha Magaaladaas,islamarkaana aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay.
Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in aysan jirin Jawaab ay bixiyeen Ciidamada Ethopia ee Saldhiga ku leh Garoonka Diyaaradaha magaaladda baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya.

