Madaxweyne Xaaf oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiyihii Gobolka Galgaduud

0

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf)  oo qaar ka mid ah xildhibaannada Galmudug ay xilkii ka qaadeen ayaa magacaabay mas’uuul cusub.

Xaaf ayaa guddoomiyaha Gobolka Galgaduud u magacaabay Nuur Axmed Xasan iyadoo aan la shaacin waxa laga yeelay guddoomiyihii xilka hayay, waxaana la sheegay in Axmed Ducaale Xaaf uu wado qorshayaal uu dad taageersan u magacaabayo xilalka maamulka Gamudug.

Waxaa xilka guddoomiyaha Galgaduud ku magacawnaa Maxamed Cali Cilmi, kaasoo uu bishii Janaayo ee sanadkaan magacaabay madaxweynhii hore C/kariinGuuleed.

Dhowaan ayuu Madaxweynaha Maamulka Axmed Ducaale Geelle  Xaaf xilkii ka qaaday taliyihii  Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka NISA ee Galmudug,kaasoo ku gacan seyray xil ka qaadistaasi.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here