Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo) iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka turkey-ga ayaa lagu wadaa in ay maanta si wadajir ah u furan saldhiga malatari ee dowladda Turky-ga ka dhistay magaaladda muqdisho.
Sida ay sheegayaan wararka madaxweynaha iyo taliyaha ciidamada milateriga turkiga gen. halusi akar oo shalay soo gaaray magaaladda muqdisho ayaa la sheegay inay si wadajir ah ay u furi doonaan saldhigga milateri kaasi oo loogu maarmi doono in ciidamada dowladda soomaliya lagu soo tababaro dalka dibadiisa.
Saldhigaan ayaa dhawaan lagu xareyn doonaa illaa 1,500 askari, halkaasoo lagu tababari doono, saraakiil ka socota turkiga ayaa ka qeyb qaadan doona tababarka ciidamada oo noqon doona markii u horeysay ee uu turkiga gudaha soomaaliya ku tababaro ciidamo.
Saldhiga ayaa markii u horeysay lagu arkay gaadiidka gaashaaman ee Ciidamada Turkiga, waxaana gudaha xerada ammaankeeda sugaya Ciidamo Turkish ah oo dhowaan Muqdisho la keenay.
Dhismaha Xeradan Milateri ayaa ku taal dhanka xeebta, wadada aada Jazeera, waxaana magaalada Muqdisho ay u jirtaa illaa 3KM.
Dhismaha ayaa ka kooban dhowr qeybood, sida dhismayaal kala duwan oo ay seexanayaan askarta la tababaro, masaajid, guryaha saraakiisha iyo Ciidamada Turkiga.

