Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal uga jirta sidii ay u baajin laheyd shirka lagu wado in Magaaladda Kismaayo uu ku dhex maro Madaxda Maamul goboleedyada.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Mas’uuliyiin kale ay saacadihii la soo dhaafay kulamo gaar ah ka yeesheen xaalada siyaasadeed ee dalka, Khilaafka Galmudug iyo shirka maamul goboleedyada ee dhowaan Kismaayo ka dhici doona.
Shirka Magaaladda Kismaayo ayaa loo arkaa mid caqabad ku noqon kara nidaamka Federaalka, hadii shanta Madaxweyne goboleed ay si gaar ah kulan ka dhan ah dowladda Federaalka yeeshaan.
Shakiga kale ee dowladdu ka qabto shirkaas ayaa ah in loo arko in dowladda Federaalka aanay xilligan gacanta ugu jirin jaan-goynta arrimaha siyaasada gudaha, islamarkaana ay keeni karto khal-khal siyaasadeed oo uu dalku galo.
Wararka ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ay dooneyso in shirka Kismaayo la hakiyo, iyadoo u mareyso dhinacyo kala duwan, sida dowladaha deriska ee sida dhow xiriirka ula leh maamulada dalka.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maalmo ka hor sheegay in gogol uu Kismaayo ugu fidinayo Maamul goboleedyada, si looga tashanayo xaaladaha siyaasadeed ee dalka, isla markaana wixii ay ka soo tashadaan ay dowladda Dhexe ula tagi doonaan.

