Inta la xaqiijiyay 7-ruux oo shacab ahaa oo saarnaa gaari caasi ah ayaa ku dhintay 20-kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii uu qarax ka dhacay Inta u dhaxeysa Maqaayadda Isisaar iyo Ajabka Shidaalka ee Bacadlaha Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir.
Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa,waxaana Xilligaas goobta ka jiray Mashquul aad u badan.
Gaari qaraxa saarnaa ayaa la xaqiijiyay in lagu dhuftay gaari shacabka ay saarnaayeen oo marayay Inta u dhaxeysa Maqaayadda Isisaar iyo Ajabka Shidaalka ee Bacadlaha Xamar-weyne ee gobolka Banaadir.
Intaas kadib waxaa gaaray goobta Gaadiidka Gurmadka deg dega ah,iyo Ciidamada amaanka Dowladdda Federaalka Soomaliya kuwaasi oo u gurmaday dadkii ku dhaawacmay qaraxa xooganaa ee ka dhacay Maqaayadda Isisaar.

