Shil Khasaare Geytay oo Saakay Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Shil gaari oo geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac iskugu jira ayaa saakay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somaliya.

Shilkaan oo ka dhashay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo rogmaday ayaa ka dhacay wadada Nasiib Buundo ee degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Gaariga rogmaday  ay saarnaayeen  Shaqaale Shirkadeed, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Goobta uu shilka ka dhacay waxaa gaaray gaadiidka Gurmadka waxaa jira dhaawacyo goobta laga qaaday.

Wixii kusoo kordha kala soco simbanews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here