Wararka ka imaanaya magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in Sarkaal ka tirsanaa Maamulka Puntland in lagu dilay gudaha magaaladaas.
Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda garsoor ee magaaladaas, gaar ahaan Agagaarka Hotel Kulmiye oo dhawaan ahayd halkii lagu dilay mid kamid ah dhalinyaradda magaaladaas.
Kooxihii ka dambeeyay dilka ayaa goobta isaga baxsaday markuu dilka dhacay kadib waxaana goobta gaaray Ciidamada amaanka maamulka Puntland oo halkaas ka sameeyay baaritaano lagu badi-goobayay ragii ka dambeeyay dilka.
Ragga dilka geystay ayaa la sheegay in ay u baxsadeen dhinaca Xaafadda Wadajir ee Galmudug.

