Wararka ka imaanaya Deegaanka Kalabeyr oo 20-KM u jira Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab in ay la wareegeen deegaankaas.
Dagaalyahanada Al-shabaab ayaa la sheegay in deegaankaas ay weerar qorshaysan ay ku qaadeen islamarkaana ay meesha ka saareen Ciidamadii Dowladda Soomaliya ee halkaas ku sugnaa.
Inta la xaqiijiyay 3-askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladdda Soomaliya ayaa ku dhintay dagaalka dhacay Deegaanka Kalabeyr oo 20-KM u jira Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

