Taliyaha Ciidanka Ilaalada Maxkamada Darajada Koowaad Ciidamada Qalabka Sida ee Gobalka Bari Maxamed Cali Seeleen ayaa Caawa ku Dhaawacmay Weerar ka Dhacay Bartamaha Magaalada Boosaaso sida ay Idaacada Simba ay u Xaqiijiyeen Saraakiisha Amniga Gobalka Bari.
Warar ka imaanaya Magaalada Boosaaso ayaa Sheegay Kooxo hubaysan ay Weerar ku Qaaday Taliyaha Xili uu Caawa ku Sugnaa Gudaha Magaalada Boosaaso, waxaana Israsaasayn Dhexmartay dableyda Weerarka soo qaaday iyo Ilaalada DHaawac Soo gaaray Taliyaha,Ayadoo Dhaawaciisa loo la Cararay Goob Caafimaad oo ka ag-dhaweyd halka uu falku ka dhacay.
Warar kala Duwan ayaa ka soo baxaya Xalada Taliyaha Ciidanka Ilaalada Maxkamada Darajada Koowaad ee Magaalada Boosaaso Saraakiisha Amniga Boosaaso ayaa Sheegay Taliyaha Xaaladiisu ay Soo Hagaagayso.

