Maxamed Cabdi Waare oo Loo Doortay Madaxweynaha Cusub ee Hir-shabeelle

0

Maxamed Cabdi Waare ayaa ayaa loo doortay Madaxweynaha Cusub ee maamulka Hirshabeelle, kaddib markii wareegii ugu dambeeyay uu ka adkaaday Musharaxii la tartamayay oo lagu magacaabo Daahir Cabdulle Cawaale.

Waare ayaa helay codod dhan 75 cod, taasoo ah aqlabiyada ugu badan ee Xildhibaanada Hirshabeelle.

Tirinta cododka ayaa markii ay dhamaatay ayaa waxaa is qabsaday dabaal degyo, waxaana dad taageerayaal u ah Musharaxa guuleystay ee Waare ay ku xoomeen halkii uu fadhiyay.

Ciidamada ammaanka iyo AMISOM ayaa isku hareereeyay Madaxweynaha la doortay Maxamed Cabdi Waare, si ay u sugaan amnigiisa.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here