Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Mudane Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) ayaa lagu wadaa in dhawaan uu isku shaandheyn ku sameeyo Maamulka gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ugu Magacaaban Jubba-land.
Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Jubba-land oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in madaxweyne Axmed Madoobe uu wado la atashiyo ku aadan isku shaandheynta uu ku samenayo Gudoomiyayaasha gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, islamarkaana mas’uuliyiin xilalka laga qaadi doono.
Madaxweynaha Maamulka Jubba-land ayaa sfar shalay ku tagay Degmada Balad-xaawo ee Gobolka gedo isagoona xalay ilaa saakay kulamo la qaadanaya saraakiisha iyo Maamulka Degmadaas.

