Magaaladda Kampala ee caasimadda dalka Uganda waxaa ka furmay Shir loogu hadlaayo arrimaha Ammniga ee Bariga Afrika.
Madax ka socota 14 dal oo qaaradda Afrika ku yaala ayaa ka shiraya arrimaha la xiriira ammniga bariga Afrika iyo halista kaga imaanaysa Al-shabaab ee Soomaaliya.
Colonel Muse cabdiqaadir xassan oo katirsan hogaanka xiriirka dibedda ee booliska dowladda Soomaaliya, kana mid ah saraakiisha ka qeyb galeysa shirkan ayaa warbaahinta u sheegay in shirkaan uu muhiimad gaar ah u leeyahay Soomaliya islamarkaana gaba-gabada shirka laga soo sari doono qodobo muhiim.
Sidoo kale waxa uu sheegay Colonel Muse cabdiqaadir xassan oo katirsan hogaanka xiriirka dibedda ee booliska dowladda Soomaaliya in shirka diirada lagu saari doono sidii loo tayeyn lahaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed, si ay AMISOM kala wareegaan Amaanka guud ahaan dalka Soomaliya marka ay ka baxaan.

