23 jir soomaali ah ayaa lagu xiray gudaha magaalo ka tirsan Caasimada Hong hong ee dalka shiinaha kaa oo weerar tooreey ah ku qaaday muwaadin Pakistani ah oo isku goob ay ku sugnaayeen.
Muwaadinkan soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo gaabiyay jabriil ayaa aad kaga xumaaday markii loo diiday aqoonsiga dalka shiinaha kadib markii uu sheegay in aanu heysan wax lacag ah oo uu ku bixiyo taa oo keentay in maqaasiinka cunada uu ka soo qaato tooreey islamarkaana uu ku weeraro muwaadin Pakistani ah oo ay isla socdeen.
Warbaahinta shiinaha ayaa sheegtay in labaduba ay ahaayeen magan galyo doon ku noolaa dalka Shiinaha oo si qaxootinimo ah ku soo galay dalka iyagoo ka soo hayaamay wadamada Soomaaliya iyo Pakistan.
Booliiska magaaalada Hong hong ayaa gacanta ku dhigay muwaadinkan soomaaliyeed oo cagahiisa ku baxsaday isagoo sidoo kale lagu eedeeyay in uu weerar ku ahaa dad ka ag dhaw ee jidadka lugaynayay.
Ciidamada gurmadka deg dega oo goobta soo gaaray ayaa isku dayay in hubka ay ka dhigaan muwaadinkan soomaaaliyeed balse waa ay ku guul dareesteen iyadoo caamir oo ah muwaadinka pakistaniga ay soo gaareen dhaawacyo yar yar waxaana kamid ahaa hadaladaa uu ku dhawaaqayay “halkan waxaan u imid inaa dhinto” idil oo idil”waxaana uu booliiska u sheegay in wax caawinaad ah uusan ugu baahneen xilli ay doonayeen in la dejiyo waloow markii dambe xabsiga loo taxaabay.

