Burcad Badeed Soomaliyeed oo Maxakamadd Lagu Soo Taagay Ingiriiska

0

Ragaan  Maxkamadda  kasoo hor muuqday ayaa la fahansan yahay in ay ka tirsan yihiin koox burcad badeeda oo ka qowleysta  wadooyinka waaweyn ee Magaalada  Exeter ee dalka Britain ayaa lagu tuhmayaa in ay horaan ugu kaceyn fal dambiyeedyo isugu jira dil, Kufsi iyo dhac.

Seddex kamid ah Ragaan lasoo taagay Maxkamada Exeter Crown Court ayaa la sheegay in ay asal ahaan kasoo jeedaan Soomaaliya balse ku dhashay Britain ama degenaasho ka helay, waxaana Magacyadooda lagu sheegey  Cabdiraxmaan Kadir, Cabdiraxmaan Abuukar iyo Maxamed Ibraahim oo dhamaantood dhalinyaro ah.

Dhalinyaradaan Soomaalida ah ayaa waxaa si gaar ah loogu soo oogay in ay ka dambeeyeen weeraro loo adeegsaday mindi oo ay ku dhaawaceen Muwaadiniin Britain ah iyo in ay ku kaceyn kufsi wadareed, iyadoo Bileyska dalkaasi uu ku raad joogay in muddo ah.

Maxkamadda ayaa dhageysatay Dambiyada lagu soo oogay Ragaan soomaalida ah iyadoo dhawaan la filaayo in ay shaaciso Go’aanka ay ka qaadatay Ragaan Soomaalida ah oo iyagu aan qirsaneen dambiyada lagu soo oogay iyo raga kale ee lala soo qabtay.

Eeedeysane kale ayaa Maxkamada ka sheegey in uu arkaayey Ragaan soomaalida ah oo kufsanaayo haweeney ka iibsaneysay maan-Dooriye ayna ula dhaqmeyn si bini’aadanimo ka bax ah.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here