Maamulka Dagmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa faah-faahin ka bixiyey Weerar Saacado qaatay oo Xalay Al-shabaab ay ku qaadeen qeybo badan oo ka mid ah Xaafadaha Dagmadaasi.
Taliyaha Ciidamada Booliska Dagmada Afgooye C/risaaq aadan Doodishe oo la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay inay iska Difaaceen Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo Xalay Gudaha u galay Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeellaha Hoose waxa uuna tilmaamay in uusan Jiran wax qasaaro ah oo soo gaaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Dadka Deegaanka.
Taliyaha oo sii hadlayey ayaa Sheegay inay ku daba jiraan Al-shabaabkii Xalay Weeraray Afgooye kuwaasi oo Qasaaro Dhimasho iyo Dhaawac kala Kulmay Dagaalkii ay la galeen Ciidamada Amniga Magaalada.

