Magaalada Garoowe ee caasimadda Maamulka Puntland waxa gaaray Wafdi ay hogaaminayso Wasiirka, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye waxaana la socda wasiiro ka Tirsan Dowladda Soomaliya iyo maamulada kale ee dalka ka jira.
Garoonka diyaaradaha ee Garoowe ee Caasimadda maamulkaas waxaa kusoo dhoweeyay Ku simaha Wasiirka Shaqada, Shaqalaaha , Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed, munaasibad lagusoo dhoweeyay wafdigan ayaa lagu qabtay Hotel Grand.
Masuuliyiinta Puntland, Heer wasiir, Heer Gobol , Dhallinyaro, Ciyaartoo iyo Haween , waxay soo dhoweeyeen wafdiga heer Federaal. dhinaca kale wasiir KHadiija Maxamed Diiriye ayaa iyana ka mahadcelisay sida loo soo dhoweeyey.
Magaalada Garoowe ayaa qorshuhu yahay in uu beri ka furmo shir looga hadlayo arrimaha dhallinyarada, iyo sidii siyaasad mideysan looga yeelan lahaa.

