Garoonka diyaaradaha magaalada muqdisho ee aadan Cadde waxaa haatan laga dareemayaa qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta maxaabiistii dhawaan Dowladda Itooobiya ay ku wareejisay Dowladda Soomaaliya.
In kabadan 100 maxaabiis ah ayaa lafilayaa in maanta lasoo gaarsiiyo Garoonka magaalada Muqdisho ayadoo diyaaradii dadkaasi sida ay ka soo amba baxayso dalka Itoobiya.
Maxaabiistan oo dhalinyaro u badan ayaa in muddo ah waxay ku jireen xabsiyada dalka Itoobiya, waxaana siideyntoda ka dambeysay kadib markii dhawaan uu halkaasi tagay ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre.
Ra’isal wasaaraha iyo madaxda dalka Itoobiya ayaa kawada hadlay sidii maxaabiistaasi loogu soo wareejin lahaa Dowladda Soomaaliya,kuwaasi oo lafilayo in diyaaradda siday ay goor dhow soo caga dhigato garoonka diyaaradaha Muqdisho.

