Maamulka Gobolka Gedo ee Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa sheegay in Rag cadaan ahaa oo ka bar bar dagaalamayey dagaalayahanada Xarakada Al-shabaab in lagu dilay duqeyn shaley ka dhacday deegaano ka tirsan Gobolkaas.
Gudoomiye ku-xigeenka Gobolka Gedo ee Dowladda Soomaliya Cusmaan Nuur Xaaji oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in diyaaaradaha dagaalka Dowladda Kenya oo ay la socdeen Ciidamada Dowladda Soomaliya ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
Waxa uu Sheegay Gudoomiye ku-xigeenka Gobolka Gedo ee Dowladda Soomaliya in duqeyntaas lagu dilay Rag cadaan ah oo ka bar bar dagaalamayey dagaalayahanada Xarakada Al-shabaab, islamarkaana ay dhawaan soo gudbin doonaan magacyadda ragaas iyo dalalka ay kasoo kala jeedaan.
Ugu dameyntii Gudoomiye ku-xigeenka Maamulka Gobolka Gedo waxa uu sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya oo kaashanaya kuwa Kenya ay sii wadi doonaan duqeynta iyo weerarada lagu qaadayo Saldhigaydda ay ku sugan yihiin dagaalayahanada Xarakada Al-shabaab ee Gobolka Gedo.

