Askari Ka Tirsanaa Dowladda Soomaliya oo Lagu Dilay Magaalada Beledweyne

0

Wararka laga helayo magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan gaar ahaan xaafadda Howl-wadaag ee degmadaasi ayaa ku waramaya in maanta halkaa lagu dilay askari ka mid ah ciidanka maamulka degmada Baladweyne.

Kooxaha dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday markii ay falkan geysteen sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Ciidamo ka mid ah maamulka Magaalada Baladweyne ayaa goobta gaaray kuwaa oo muddo hakad galaiyey isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee xaafadda howlwadaag ee dilku ka dhacay,waxaana ciidanku ay qabteen tiro dad ah oo la sheegay inay masuul ka ahaayeen islamarkaana ay ka dambeeyeen dilka askariga maanta lagu dilay halkaa.

Masuuliyiin ka mid ah Maamulka gobolka hiiraan oo aan la xariirnay ayaa xaqiijiyey in gacanta lagu hayo dad lagu tuhmayo ku lug lahaanshaha falkan.

Dhinaca kale warar ay baahisay warbaahinta Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in askariga Maanta lagu dilay Magaalada Baladweyne ay kambeeyeen dableey hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab islmrkana ay qaateen qorigii uu watay askariga dilka loo geystay.

Ma jirto faah-faahin intaa ka baxsan oo laga hayo dilka askariga ciidanka Dowladda ee maanta lagu dilay magaalada Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here