Jubba-land oo eedeysay Wasaaradda Boosatada, Isgaarsiinta Soomaliya

0

Wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda Jubaland  oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubba-land ayaa ku eedeeysay wasaaradda boosatada, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya in ay baalmartay heshiis ay hore ula gashay madaxda dowlad goboleedyada oo ku saabsanaa hannaanka loo mari doono sharciga isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda dalka.

Wasiir C/nuur Cali Aadan wasiirka wasaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda Jubaland ayaa sheegay in shir 06- bishii May ay isugu yimaadeen madaxda wasaaradaha isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada looga wadahadlay arimo ku saabsan sharciga isgaarsiinta dalka, waxa uu sheegay in shir kale lagu ballamay in  la isugu yimaado magaalada Kismaayo si loo dhameystiro sharciga islamarkaana madaxda dowlad goboleedyada kasoo talo bixiyaan.

Waxa uu sheegay Wasiir C/nuur Cali Aadan wasiirka wasaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda Jubaland in wixii ka yimaada arintaasi in uu masuuliyaddeeda qaadan doono wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda dalka.

Wasiirka wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tinoolijiyadda dowladda Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa dhawaan sheegay in meelmarinta sharciga isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda aad loogu baahanyahay xilligan, waxaana uu kamid yahay 15 Hindise Sharciyeed oo horyaala Baarlamanka Federaalka Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here