Caadil Xaaji Gaabow oo kamid ah qoyska reer Xaaji Gaabow oo ah Ganacsade caan ka ah magaalada Muqdisho ayaa faah-faahin ka bixiyay kooxo hubeysan oo qaar kamid ah qoyskiisa ku laayay deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho.
Isagoo u waramayay idaacadda Simba ayuu sheegay in kooxo hubeysan oo afka soo duubtay ay isku hor jareen gaari ay saarnaayeen qaar kamid ah qoyska reer Xaaji Gaabow, islamarkaana ay rasaas ooda kaga qaadeen, taasi ay keentay dhimashada qaar kamid ah qoyska oo galinkii dambe ee shalay lagu aasay Magaalada Muqdisho.
“Haweeney caan ka aheyd degmada ayaa dhimatay aaskeeda ayay u raaceen deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho, sida ay ii sheegeen dad la socday gawaarida meydka ayaa ii sheegay in gaari lagu horgeeyay islamarkaana la rasaaseeyay, mid kamid oo aan abti u ahaa ayaa gaariga ka booday balse waa la dilay asna”, ayuu yiri Caadi Xaaji Gaabow oo kamid ah qoyska reer Xaaji Gaabow.
Wararka ayaa sheegaya gaari ay wateen kooxo hubeysan ay ku hor-gooyeen gaarigii ay la socdeen dhalinyaradan, kadibna ay rasaas ku harqiyeen.
Dhalinyarada la laayay ayaa afar ka mid ah isku qoys ahaa, waxaana la sheegay inay ka soo jeedaan qoyska reer Xaaji Gaabow oo ah Ganacsade caan ka ah magaalada Muqdisho
Magacyada dhalinyarada la laayay, waxaana ay kala yihiin C/casiis Xaaji Gaabow, Maxamed Deeq Caadi Xaaji Gaabow iyo Cabdi Jibaar Xaaji Gaabow iyo ruux kale oo magaciisa lagu soo koobay Maxamed Yare.
Lama oga illaa iyo hada sababta loo dilay iyo kooxda ka dambeysa, hase ahaatee waxay arrintan xaalad naxdin leh ku abuurtay qoyska ay ka baxeen.

