Tirada Shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Soomaliya Lagu Dilay oo Lasoo Bandhigay

0

War Kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay gaar ahaan Hay’adda OCHA ayaa lagu soo bandhigay  Tirada Shaqaalaha Hay’adda ee Lagu dilay Gudaha dalka Soomaliya.

Qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay  in gudaha Somalia lagu dilay 4 Shaqaale oo ka tirsan qeybta ka shaqeysa howlaha bani’aadanimada, islamarkaana dilalkaas ay dhaceen intii u dhaxeysay bilihii January ilaa iyo June ee 2017.

Shilalka guud ee dhacay ayay Hay’adda OCHA ku sheegtay inay yihiin 90 shil kuwaasi oo saameeyay shaqaalaha gar gaarka, waxaana ku dhintay 4shaqaalaha, oo intooda badan la dilay xili ay ku jireen howl Malmeedkooda.

Sidoo kale Hay’adda OCHA  ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dhibtooyinka ugu badan ee shaqaalaha Qaramada Midoobay ay kala kulmeen dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab madaama ay ku sugan yihiin meelo u baahan  gargaar.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here