Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Soomaaliya Axmed Maxamuud Maxamed(Sayid Carab) ayaa Sheegay in Ciidamada Dowlada ay Fashiliyeen Gaari laga soo Buuxiyey Walxaha Qarxa oo u Jeedkiisu uu ahaa in gudaha loo galiyo Xarunta Saldhiga Dagmada Waabari ee Gobalka Banaadir Xiligaas ay ka socdeen Howlaha Caadiga ah ee Saldhiga.
“Waxay isku Dayeen inay Qasaaro u geystaan Saldhiga laakiin uma suurta galin,waxaan uga mahad celinaynaa Ciidamadeena Geesiyaasha ah ee ka hortagay Gaariga ka hor inta uusan soo gaarin Dhismaha Xarunta Saldhiga, Cadowgu wax ay Dileen 5-ruux oo Rayid ahaa halka ay ku Dhaawacmeen 7-Ruux oo Shacab ah” ayuu yiri Afhayeen Sayid Carab
Sidoo kale Afhayeen-ka Hay’adda Nabada Sugida Soomaliya ayaa Sheegay inaysan Jirin Wax qasaaro ah oo soo gaaray Ciidamada Saldhiga iyo Saarkiish Saldhiga Ciidamada ee Saldhiga Waabari, wuxuuna Caafimaad u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay qaraxa.
Qaraxii duhurnimadda Maanta ka dhacay Xarunta Saldhiga Dagmada Waabari ee Gobalka Banaadir, oo ay dagan yihiin Ciidamo Boolis ah dadka ku dhintay ayaa u badnaa shacab ,waxaa sidoo kale kamid ahaa Ala Ha u Naxariistee Wasiirkii dhalinyarada iyo Sportiska Maamulka Jubbaland Maxamed Maxamuud Yuusuf (Aw-libaax).

