Dhedo:-“KGS Hanaga Ceshato Shabaabka Loosoo Adeegsanayo Dagaalada+Dhageyso

0

 

Yuusuf Maxamed waceys (Dhedo)  Guddoomiyaha gobolka Bari  oo warbaahinta kula hadlay magaalad Boosaso oo lagu soo bandhigay rag kasoo baxsaday Ururka Daacish ayaa baaq udiray shacabka ku nool gobolada Baay iyo Bakool, baaqaas oo ah inay celiyaan dadkooda loosoo adeegsanayo dagaalada Puntland.

“Reer Baay iyo Bakoolow waxaan idiin sheegaynaa Bosaso kaliya waxaanu ku haynaa oo ku nool 29,800 oo dadkiina ah, kuwaas oo leh xuquuqda kan Puntland u dhashay, Marka miyaanu idinka istaahilnaa inagoo sidaas idiin soo dhoweynay inaad noogu abaalgudaan inaad baabuur noo soo saartaan kuwa ina qarxinaya oo cadow ku ah jiritaankeena,” ayuu yiri gudoomiyaha

sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Bari ee maamulka Puntland  ayaa sheegay Puntland inay si wanaagsan ula dhaqanto unasoo dhoweyso kuwa isi soo dhiibay ee kasoo goosta Shabab iyo Daacish, taasoo cadayn u ah in Puntland ay ka go’an tahay soo dhowaynta cid walba oo ka faa’idaysata cafiska dowoladda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here