Yuusuf Garaad oo Sheegay Dalka Keliya ee Soomaaliya Wax U Qabtay

0

Wasiir Arrimaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya  Yusuf Garaad Omar ayaa  sheegay In Turkigu yahay dalka keliya ee Soomaaliya wax muuqda u qabtay, islamarkaana shacabka Soomaliyeed iyo dowladana ay abaalk kaga hayaan.

“Dowladda ugu badan ee mashaariic ka fulisa Soomaaliya ,sidii uu burburkii u dhacay, mashaariic horumarineed waa Turkey. Mana aha waxtar ama mashaariic gacan lagu siiyo dowladd markaa joogta, Turkigu kaash dowladda Jeebka uma geliyaan, sow ma garan?

Mashaariic dadka taabanaya, Isbitaal hooyooyinku ku umulaan, Isbitaal qofka xanuusan lagu qalo ama lagu daweeyo, Iskuul dhallinyaradu wax ka bartaan, wadadii umaddu wada marilahayd, Nalkii habeenkii la fiirsanlaha, Airport-kii diyaaradu ka kici lahayd, Diyaarad aduunka kusoo xirta oo subax walba inta ka kacdo Soomaaliya Istanbul geynaysa oo 80 jiho diyaarado uga baxayaan, Sow maadan garan? ayeey maaragtay sameysay,marka dowladda kowaad oo hada Development ama (hormar)  ka sameysay Soomaaliya, Waa Turkey”, ayuu yiri Wasiir Arrimaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya  Yusuf Garaad Omar.

Dowladda turkey-ga ayaa Dowladda Federaalka Soomaliya iyo tii ka horeysay ka caawisay arrimo badan u u badan dhib u dhiska dalka, iyo dib usoo celinta kaabashayaasha dhaqaalaha.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here