War Deg Deg:-Qarax Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Wararka naga soo gaaraya Wadada Warshada  ayaa ku waramaya in qarax loo adeegsaday  Mooto in lala eegtay Masuul ka tirsan maamulka degmada Dayniile oo lagu magacaabo Cali Cusman Wehliye.

Qaraxa oo  Mooto loo adeegsay ayaa la sheegay in la doonayay in lagu dhufto gaariga uu la socday Mas’uulka ka tirsan maamulka Degmada ee Gobolka Banaadir ee lagu magacaabo Cali Cusman Wehliye.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhawacmay  laba ruux oo ah shacabkii wadada marayay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaa jiro baaritaan.

Qaraxan ayaa ku soo beegmay saacado uun kadib markii qarax kale oo ismiidamin ahaa lagu weeraray xarunta degmada Wadajir.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here