Kulan u dhaxeeyay tobanan ka tirsan xubnaha baarlamaanka federaalka soomaaliya iyo madaxeynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay ka dhacay mid kamid ah hoteelada magaaada Mogadisho .
Kulankan ayaa yimid kadib markii habeen ka hor xildhibanadaan oo ka soo horeeda Xukuumada uu hogaamiyo Ra’isul asaare kheyre ay ku shireen hotel ku yaala magaalada Mogadishu ,waxaana madax weynaha uu la klmay 15 kamid ahaa xubnahaasi muaaradka.
Madaxweynaha Soomaliya ayaa ka codsaday in mooshinkooda ay la laabtaan Xildhibaanada kasoo horjeeda Kheyre islamarkaana wax walba uu jira la xalin doono.
Waxaa xubnaha golaha aqalka sare hogaaminaya Senator Da’ud Cumar (Bisinle) laakiin ma’uusan xusin magacyada xubnaha kale ee baarlamaanka kuwaa oo ka soo horjeeda dowlada uu hogaamiye madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
“Xildhibaanada waa kuwa doortay madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed farmaajo” Sida uu sheegay Senator Da’ud Cumar (Bisinle) oo kulanka kadib hadal kooban jeediyay.

