Tv-ga Al-jazeera ayaa sheegay in 4-qof ay ku dhinteen tiro kalana ku dhaawacmeen, dadka wax gaareen waxaa u badan Soomaali, ninka weerarka fuliyey oo midabkiisu cadaan yahay wuxuu gaari marsiiyey dad salaad kasoo baxay, meel u dhow masaajidka FinsburyPark ee ku yaal waqooyiga London.
Muuqaal ay soo direen Soomaalida meesha joogta, oo aan ku habooneyn in labahiyo, waxaa ka muuqda dad Soomaali ah oo Ashahadaanaya oo ku xoonsan dadka wax gaareen, nin oday ah ayaa madaxa la haya, nin kalena waxaa laga guraya naqaska, meel waxa jiifta qof dumar ah oo aan dhaq dhaqaaqeyn, meelkalena waxaa ka muuqda nin cadaan ah oo madaxa go’ay.
Haween qaybtood indhashareer xiranyihin iyo wiilal dhalinyaro u badan oo Soomaali ah ayaa dadka caawinaya, waxay kala garan la’yihiin dadka wax gaareen, badi way qaylinayaan, Booliiskuna hareeraha ayuu ka joogaa.
Guddiga Muslimiinta ee Britain ayaa sheegay in gaari si qasad ah loo jiirsiiyay dad cibaadeysanayay.
Dadka dhacdadaasi ku waxyeeloobay ayaa la aamminsan yahay inay kasoo laabteen salaada tahajudka .
Adeega gawaarida gurmadka degdega ah ee London ayaa sheegay in goobta weerarku ka dhacay ay u direen tiro ka mid ah shaqaalahooda caafimadka .
Muuqaal baraha bulshada lasoo gelliyay dhacdada kadib ayaa muujinaya argagaxa goobtaasi ka dhacay iyadoo dadka halkaasi ku dhawacmayna loo gurmaday.






