Warar lagu baahiyay Baraha Al-shabaab ayaa lagu sheegay in dagaal xoogan dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab in ay ku qaadeen Magaalada Buulo-barde ee Gobolka Hiiraan.
Al-shabaab waxa ay sheegeen in weerar culus oo qorshysan in lagu qaaday Saldhig Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay ku leeyihiin Magaalada Buulo-barde ee Gobolka Hiiraan, islamarkaan qasaaro lagu gaarsiiyay Ciidamada Jabuuti.
Al-shabaab waxa ay sheegeen in weerarkaas qasaaro dhimasho iyo dhaawac in lagu gaarsiiyay Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM, madaama uu weerarka ahaa mid qorshaysan.

