Dowlada Norwey ayaa aqoonsatay Baasaboorka Soomaliga ah gaar ah midka Diblomaasiga ah oo ay qaataan Madaxda Dowlada iyo Siyaasiyiinta Soomaliyeed.
Dabayaaqada Sanadkan ayaa waxaa ay dowlada Norwey Soomaliya u soo direysa quburo heer caalami ah oo arki doona habka lagu bixiyo Basaboorka Shaqaalaha ee ( Service Passport ) iyo Baasaboorka shacabka ay qataan si ay dowlada Norwey iyagana u aqoonsato.
Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya G/sare Maxamed Adam Koofi ayaa muddooyinki u damebyay waxa uu safari ku tagay qaar ka mid ah dalalka reer yurub oo uu kala hadlayay sidii ay u aqoosan lahayeen Baasaboorka Soomaliya.

