Warka ka imanaaya Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab in ay caawa weerar qorshaysan ay ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM.
Dagaalka Shabaab ayaa la sheegay in uu ku bilowaday qaraxyo islamarkaana uu xigay dagaal toos ahaa oo ay isaga hor imaadeen ayaga iyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM.
Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha hoose Cali aadan Maxamed oo Goordhaweyd la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalka ay shabaab soo qaadeen islamarkaana lagu jabiyay.
Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Qoryooley ayaa tilmaamay in dagalka shabaab uusan guuleysanin islamarkaana dagaal dabagal ahaa ay Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM ay ku qaadeen fariisimihii ay kasoo duuleen Al-shabaab.
“Sarkaal ka Tirsanaa Al-shabaab oo dagaalka hogaaminayay ayaa lagu dilay weerarka meydkiisa haatan ayuu yaalaa gudaha Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha hoose, anaga dagaal dabagal ahaa ay ku qaadnay shabaab”, ayuu yiri Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Qoryooley Cali aadan Maxamed

