Muhammad Bin Suleiman;-“Pakistaniyiintu Waa Adoomadeena”,

0

Waxeey u muuqaataa in si ba’an Pakistan ay u saameesay qilaafka hadda kataagan dalalka carbeed gaar ahaan kuwa Khalej-ka iyadoo Pakistan ay kujirto xaalad feejignaan ah kadib markii Saudi Arabia iyo xulafada uu hogaaminayo ay jareen xeriirkii Diploomaasiyadeed oo ay la lahaayeen dalka Qatar taa oo lagu eedeeyay in wadanka Qatar oo hodan ku ah saliida in uu taageero kooxaha argagixisada loogu yeero.

“Anaga miyaa nala jirtaa mise Qatar?” Boqor salmaan-ka Saudi Arabia ayaa su’aashaasi weydiiyay Ra’isul wasaaraha Pakistan Nawaz Sharif intii lagu guda jiray kulan ay wada laheeyeen isaga iyo boqorka Sacuudiga.

“Rajo kama qabo in Pakistan ay ku soo biirto xulafada ka dhanka ah Qatar ee sacuudiga hurmuudka u yahay ” wariye Pakistani ah ayaa sidaasi ku qoray bartiisa twitter-ka isagoo sheegay in Pakistan iyo sacuudiga aynan isku fahmi doonin arinkaas.

Tanveer Arain oo ah siyaasi falanqeeya arimaha amaanka kana tirsan wargeyska shuuciga ee Dawn ayaa bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyay Screenshot uu ka soo qaaday war ka soo baxay wasaarada difaaca ee dalka Saudi Arabia oo wasiirka difaaca uu ku yiri “Pakistaniyiintu waa adoomadeena”.

Muhammad Bin Suleiman oo ah wasiiraka difaaca boqortooyada sacuudiaga ahna wasiirka difaaca ee dunida ugu da’da yar ayaa aaminsan in pakistaani-yiintu ay yihiin adoomada carbeed, waxaana sidoo kale hadalkan uu cadeeynayaa in sacuudiga uu yahay mid u muuqda dalalka kale ee Muslimka ah ee islaanimada qaatay sida muslimiinta India,Pakistan iyo Bangladesh kuwa uu ugu yeeray Hindu-Muslims’ in Saudi,  “Muslimiinta sacuudiga ee Hinduuga ah”.

W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim “Loyal”

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here