Doonyo Laga Shakiyay oo Kusoo Xirtay Xeebaha Qandala

0

Wararka ka imaanaya deegaano Degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa ku waramaya In xeebaha Degmadaas in Lagu arkay 2-doonyo aan la ogeyn  waxa ay  sidaan.

Dadka deegaanka Degmada Qandal ee Gobolka Bari ayaa warbaahinta u sheegay in Doonyahaan oo aan la garanayn halka ay ka yimaadeen iyo waxyaabaha ay sideen ayaa In ay kusoo  xirteen deegaano ku dhow degmadaas.

Dhanka kale  Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Badda Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in doonyahaan loogu Shakisan yahay In ay gurmad u sidaan dagaalyahanada kooxda Daacish ee ku xoogan Degmada Qandala.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here